EX Xildhibaan Xanafi Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya darajo ahaan waa Wasaarad (A) ah, taas oo hortebin u leh qorsho siyaasadeedka xukuumadda, afarta sano ee soo socota.

367

Xildhibaan hore Cabduqaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan baarlamaankii hore  federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah aan la yeelnay ayaa sheegay Muhiimad gaar ah ayey dalka iyo dadka Soomaaliyeedba u leedahay in Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya loo magacaabo Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah shaqsi aad karti iyo hufnaan u leh howsha loo wakiishay, isla markaana xaqiijin kara hanaanka dowladnimo ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ex Xildhibaan Xanafi ayaa yiri Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya darajo ahaan waa Wasaarad (A) ah, taas oo hortebin u leh qorsho siyaasadeedka xukuumadda, afarta sano ee soo socota.

Sida la ogyahay dalkeenna waxaa dhex yaala kheyraad farabadan una

baahan in lasoo saaro si ay dadka Soomaaliyeed uga faa’ideystaan, u gaaraan horumar iyo barwaaqo, ugana gudbaan faqriga sababa colaadda joogtada ah iyo abaaraha daba-dheeraaday,

Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in uu dardar geliyo shaqooyinka horyaalla, oo ay ka mid tahay in dib u eegis lagu sameeyo qandaraasyadii sida qarsoodiga ahaa loo bixiyay, baloogyadii la xaraashay iyo in la sahmiyo kheyraadka batroolka iyo macdanta isugu jira ee bad iyo berri laga heli karo, kuwaas oo aan xog sugan laga haynin

Ugu dambeyn Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed waxaa laga sugayaa in uu howlgeliyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taas oo uu dalku baahi weyn u qabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here