Ergo ka socota kooxda Xuutiga ah ee Yemen ka dagaalanta ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda in ay gaarto Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya si loo dhammeystiro wadahadalka labada dhinac dhowaan u billowday.
Wafdigaan ka socda Xuutiyiinta Yemen ayaa marin u ah is dhexgalka Kooxdaan iyo Boqortooyada Sacuudiga si loosoo afjaro colaadda labada dhinac ka dhaxeysay laga soo billaabo sanadkii 2015kii kaddib markii Xukuumadda Riyaad ay ku duushay Kooxdaas.
Duullaankaas ayaa yimid kolkii Xuutiyiintu ay ka adkaadeen ciidamada Dowladda Madaxweynaha Caalamka Aqoonsiga ka heystay ee Cabdi Rabuh Mansoor Haadi isla markaana ay gacanta ku dhigeen Magaalada Sanca ee Caasimadda Dalkaas & dhul baaxad weyn.
Heshiiska Boqortooyada Sacuudiga ay la gashay Kooxda Xuutiga Yemen ayaa yimid ka gadaal markii ay heshiis la gaartay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo in badan lagu eedeynayay in ay garab siineysay Kooxdaan oo xitaa weerartay xarumaha Shidaalka Sacuudiga.
La soco wixii kasoo kordha