Duqii hore ee degmada Qardho Maxamed Buraale ayaa ka hadlay dilka taliyihii saldhiga

145

Duqii hore ee degmada Qardho Maxamed Buraale ayaa ka hadlay dilka taliyihii saldhiga degmada Qardho.

 

” Rabbi ha u naxariisto Taliyihii Saldhiga degmada Qardho Cumar Hiirad Kaatun, Samir iyo Imaan alle ha ka siiyo ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, Ciidan Booliska iyo guud ahaan dadwaynaha reer qardho oo tabidoona shaqadii uu hayey.

 

Reer Qardho waxaan leeyahay jihaad toos ah ayaa idinku waajibay oo idiin furan in aad la gashaan kuwa caadaystay xumaha sida Khamriga iyo fiidinta xumaanta, hadii aad maanta ka dagaalimi waydaan idinka oo isku duuban waxaan imaandoonta in maalinkasta qof bulshada wax-gal u ah hortiina lagu dilo.

 

Qardho waa in khamriga laga suuliyaa, ama ogaalada in haldoorkiina cabtow ku shabaax-tamaan.

 

Cumar AUN waxaan ku bartay shaqo hufan oo geesinimo leh, waxaan alle uga baryin in u janatul fardowsa ka waraabsho.

 

Aamin aamin

 

  1. #Maanta xumaha ka hortag si aysan gurigaaga birito ugu soo laaban” ayuu yiri Mr Buraale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here