Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay duqeyn culus oo lagu beegsaday kooxda Daacish ay ka dhacday gobolka Bari ee maamulka Puntland, halkaas oo ay fariisimo waa weyn ay ku leedahay Daacishta Somalia.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday buuraha Calmiskaad oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan ay socotay illaa saaka waabarigii hore, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay in ka dambeysay mas’uuliyadda weerarkan dhanka cirka ah ee lagu beegsaday kooxda Daacish

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxdan dhaq-dhaqaaq culus ka waday halkaas oo ay marar badan kula dagaalantay ciidanka Puntland.

Dhanka kale ma jiro wax hadal oo ay Puntland kasoo saartay duqeyntaas xalay, illaa saaka lagu garaacayay qaybo kamid ah gobolka Bari oo maamul ahaan hoostaga.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo howlgal culus oo ka dhan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.