Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.
Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaan lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa hawdka deegaanka Shabeello.
“Hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa,” sida lagu yiri qoraal.ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu dilay 20 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Shabeello ee gobolka Mudug.
Shabeelloow oo maalmo ka hor waxaa ka dhaday dagaal u dhaxeeyey Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac iyo Al-Shabaab; dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ku sheegtay in ay ku dishay 200 ka tirsan Al-Shabaaab