Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta dhagax-dhigay xarun loogu talagalay in ay noqoto xarunta howlgalka Degdega ee Caasimaadka Dadweynaha ahna waaxda caafimaadka Dowladda Hoose.

Yuusuf Madaale ayaa arrintaan ku tilmaamay mid kaalin wayn ka qaadaneyso adeegyada caafimaadka ay u baahan yihiin Bulshada ku sugan Caasimadda iyada oo si gaar ah loola soconayo adeegyadaas laga bixinayo xaruntaan.

Madaale ayaa codsaday in laga qaybgalo howlaha danta guud ah ee Magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabato dhabbaha horumarka iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah Bulshada ku sugan Gobolka Banaadir.

Tayada adeegga caafimaadka ayuu ku tilmaamay in xaruntaan ay laf-dhabar u tahay si bulshada canshuur bixiyaasha ah ay u helaan adeeggaan oo kamid ah ballanqaadyo uu horay u sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Share.

Leave A Reply