Duqa Muqdisho & Duqa Magaalada Konyo oo heshiis kala saxiixday

62

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga MR.ibrahim uğur altay ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis la xariira Walaaleynta iyo Iskashiga Labada Magaalo.

labada dhinac ayaa sidoo kale waxaa ay iska kaashan doonaan Sagaal qodob oo muhiim u ah dhaqangalinta heshiiskan, kuwaas oo kala ah.

1. Maareynta qashinka iyo warshadeyntiisa

2. Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan (Public transportation ).

3. Qorsheynta Magaalada iyo hagaajinta nidaamka adress yada Magaalada guud ahaan. (urban planning and adressing system )

4. Diiwaan galinta dadweynaha (Civic registration ) .

5. Tababaradda

6. Dalxiiska

7. Isboortiga noocyadiisa kala duwan

8. Dhaqanka iyo

9. Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure ) .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here