Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Dr Yaxya amir ayaa yiri ilxumaddii Maanta aan soo arkay ilama fiicneeyn Magaalada Muqdisho (Sawirro)
    Gudaha

    Dr Yaxya amir ayaa yiri ilxumaddii Maanta aan soo arkay ilama fiicneeyn Magaalada Muqdisho (Sawirro)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 8, 2023No Comments5 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ma dulmiyaa? Ma isku Dira?Ma daacadaa?

    ilxumaddii Maanta aan soo arkay ilama fiicneeyn.

    Shalay waxaan arkay Lo’ badan oo ey hor socdaan Ciidanka ilaalada deegaanku. Nin ayaan weeydiiyay sababta. Waxa uuna igu yiri: Dowladda Hoose ayaa “Seminar” u qabanee Lo’da. Waan ku qoslay, waana isaga tagay.

    Maanta.

    Maanta TV ayaan ka Daawaday Agaasime Dowladda Hoose oo leh. Shalay waxaan soo qabanay 166 Lo’ ah iyo 11 Ari ah. Agaasimuhu waxa uu yiri: Dikareetada Duqa Magaaladu soo saartay waxaa ku qoran in Lo’da lagu ganaaxo Neefkiiba 50 Dollar, Geelana 100 Dollar. Kadibna lagu dhufto shaabadda Dowladda Hoose. Haddii Mar labada la qabto waa in la Qalo.
    Haddii Qofka iska leh uu Lacagtaa bixi waayo 24 Saac gudahood waa la qalayaa. Kii shaabadeysan ee Mar Labaad la soo qabto, halkii lagu arko ayaa lagu qalaa neefka, kalamdaha uu isticmaalay ayaa ahaa: halkii lagu arko ayaa Amarka qaliinka lagula fulinayaa, Howlgalkiina waxaa lagu fuliyay 11 Ari ah iyo 50 Lo’ ah. (In kasta oo Galabta intaa ey ka sii badnaaayeen Tiro ahaan). ( F.S: 1-14aad).
    Waxaan la yaabay kalmadaha uu isticmaalayay ee Howlgalka iyo isla Goobtii ayaa lagu fulinayaa oo aheyd kalmado Sharcigu u isticmaalo burcadda, Laakin Lo’da ku cusub. Waxa uu raaciyay, Hadda kadib Moorada ayaan ugu tageeynaa waana la gowracaa, waa in baadiyaha loo celiyo. Xoolahaa qaar Agoonaa loo lisaa, qaar Qooysas Dan yar ah ayaa iska leh, qaar waxaa leh Rag Ciidan ah oo Mushaarkoodu uuna ku filneyn qooyskooda, Xaasaskooda ayaana Biilka ku kabo dhakhliga Caanaha Lo’da.

    Haddii Bilic Magaalo iyo daryeel Bulsho laga fikirayo, Kooliistayaasha joogo meel u muuqato xarunta Dowladda Hoose maa wax loo qabto? .

    Caanaha Lo’da Dowladda Hoose waxa ey ka qaadaa Cashuur, kuwa Cowska keeno iyo Gaadiidka lagu soo qaado waxaa laga qaadaa Cashuur. Sida kuwa Cowska Jaadka dibadda ka keeno looga qaado cashuurta Cowska Jaadka.
    Haddii Xayawaanku Dhib ku yahay Magaalada, Eeyo xanuunsan ayaa ku saxaroodo wadooyinka, Eeyahaa oo 50 ka badan ayaa wada jiifo Darbiga Dowladda Hoose, Qaar kalena xaafadaha u dhaw. ( F.S: 15-20aad)

    Tukaha muuq ahaan ka yar yar keenii hore ee isaga oo Maraakiibta la socdo Hindiya ka yimid ee dhameeya Shimbirihii Magaalada, maa wax laga qabto, iyo Daanyeerada ku ilma dhalay Dhirta ku wareegsan Xarunta Gobalka.

    Mid Xoolaha qalaayay ayaa igu yiri: Xoolahaan la qalayo hal qabiil ayaa iska leh. Cidda leh muhim ma ahan, waxaa muhim ah Nolosha muwaadiniinta ku tiirsan Xoolaha. Ma ahan in Nin Baabuur “Bullet proof” ah wato oo leh Habeenkii ayeey wadada nagu cariiriyaan in warkiisa la tix galiyo.
    Xooluhu Nadaafadda Magaalada ayeeyba Qeeyb ka qaataan, Maqaayadaha iyo Hoteelada qaar ayaa haraaga Cuntada ku daadiyo Wadada dhaxdeeda, Waxaana ka cuno oo ka nadiifiyo Lo’da Magaalada.

    Madaxda Dowladda Hoose ma ogo miyaa. In Dowladda Hoose ee Xamar ey Warmaxan iyo Degmada Yaaqshiid ey ku leheyd Laba xarumood oo waaweyn oo lagu dhaqo Lo’da, Caanahana laga iibi jiray Madaxdii Qaranka iyo shacabka.

    Anigu markii aan Xamar imid Aabe iyo Hooyo iima joogin, waxaan ku jilnaay Habar yarteey Faadumo Hiraabe Siyaad AUN, oo leheyd 5 Sac, caanahooda ayeey ku iibi jiratya Suuqa Ansalooti, iyaga ayeyna nagu Billi jirtay Buugaatana iigu soo iibi jirtay.

    Galabta markii aan tagay xarunta lagu xabisay Lo’da. Iridda waxaa safnaa Dad dan yar ah oo Lo’ laga heeysto oo aan iska bixi karin ganaaxa oo ku badnaa, Kuwa leh waxaan nahay masaakiin Hilib ayaan rabnaa iyo Dad weyne kale oo leh waa xaaraan in la cuno Hilibkaan, Gaadiid kale oo uu saarnaa Hilib baceeysan ayaa ka sii baxayay xarunta Ceel Galabta ee Lo’da lagu qalayay. Jidadka hor maro xarunta waa la xiray, iridana waxaa joogay Ciidan Qayilayo. ( F.S:21-29aad)

    Gudaha ayaan Fasax iyo in aan sawira karo weeydiistay waana la ii ogolaaday.
    Qaabka loo qalayo ima cajabin, waa igala duwanaa Habkii islaamku na faray. Waxaa kale oo la qalayay Lo’ badan oo irmaan ah iyo Weeylo yar yar oo nuugayay, Qaar ayaa markii la qalay laga soo saartay weeylo uurka ku jiray oo saacado kadib dhalan lahaa.

    Ciidamada iyo Madaxda qaar waa ka xumaayeen sida wax u socdaan, laakin waxaa ka muuqatay in ey fulinayeen Amar la siiyay. Qaar ayaa igu yiri: Dadkii Xoolaha lahaa qaar ayaa Shalay noola soo baxay Warmo Mariid leh.

    Magaalooyin badan oo aan Aduunka ku soo arkay qaarkood Lo’ ayaa wadaayinka joogatay. Magaalada Mogadishu waxaa joogo Dad Lo’du ka nacfi badan tahay.

    Waxaa is weeydii mudan:

    1. Ma diidani haddii Lo’da dhib loo arkay in xal loo helo, laakin Xal kale miyaa la waayay?

    2. Shaqo ma u heysaa, Dadka Noloshoodu ku tiirsan tahay Xoolahaa, kuwa Cowska u keeno iyo Gaadiidka ey ku keenaan?.

    3. Haddii aan leeyahay dhul banaan oo qeyb aan dego, qeybna aan ku xirto ma la ii ogol ahay. Marka la i leeyahay Magaalada ka saar? .

    4. Adigu ( ma ogtahay, Cadkii Xaaraana ee Jirkaaga Galo in Midi Naareed looga jarayo) Dowladda Hoose ayaa tiri: Hilibkaa waxaa la siinaa, Masaakiinta, Maxaabiista iyo Ciidanka Asluubta. Xoolaha Agoonta, Saqiirada iyo Masaakiinta, Hilibkoodu Diiniyan Xalaal ma yahay ? Dambi ma ku yahay kii Cunay? kii Qeeybiyay? kii qalay? Iyo kii Amray?

    5. Howlgalkaan ma laga fulin karaa xaafadaha xamar qaar?.

    6. Wakhtigaan oo xaaladda Dalka ee Nabagalyo iyo heerka noloshu ey marayaan meel aad u Adag, Ma la waayay wax Lo’oda ka muhimsan oo nalagu mashquuliyo?.

    7. Sagaaradeeyda iyo Bakeylaheyga miyaa loo Dan leeyahay. Qooleydu ma ku jirtaa. Kuwa la isku ganaaxayo?

    8. Wadooyinka Magaalada hadda Lo’da ka sokoow, Bilicu makaaga muuqataa?

    9. Ma dulmiyaa? Ma Dowladda iyo Dadkaa la isku dirayaa?. Mise waa Howl ummadda danu ugu jirto?.

    Haddii Dikareetada la sheegay ee Duqa Magaaladu ey sharci tahay hala raaco. Haddiise eynan aheyn, Heyadaha ka sareeyo ha loo dacwoodo. Dowladda Hoose waxaa ku waajibayo Mag dhaw, iyo ciqaab sharci ah.

    FG: Wixii iga khaladan ka sax, Wixii ka dhimanna ku dar.

    Qore: Yahya Amir

     

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleGuddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin oo ay wehliyaan
    Next Article Wasiir Aynte ayaa xil u magacaabay

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Xassan Shiikh oo Addis ababa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Afrika (Sawirro)

    February 18, 2023

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira kulamo uu la…

    Somaliland oo sheegtay in aysan ciidankeeda kala Bixi doonin Gobollada ssc

    January 24, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.