Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanayaa ay ugu jiraan Al-Shabaab, sida lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ibrahim Mete ayaa inta uu socday kulanka waxa uu hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan kana caagan Al-Shabaab, sida lagu sii yiri warka ka soo baxay Madaxtooyada.