Dolwadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in guud ahaan dalka uu galay xaalad degdeg ah, ka dib markii Roobab fatahaado wata ay ka da’een qaar ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Wayes oo uu wehliyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta dalka, iyaga oo ku dhawaaqay in dalka uu galay xaaladda degdeg ah.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay khasaaraha ka dhashay Roobabka ka da’ay dalka, waxa uu xusay in ku dhawaad 500,000 ay ka barakaceen guryahooda, sidoo kale waxa uu sheegay in laga cabsi qabo dad gaaraya Hal milyan in ay saameeyaan daadadka.
“Dhibaatada waddanka ka jirta oo ay sababeen fatahaadaha iyo Roobabka xooggan, taas oo keentay in dowladdda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in waddanka uu galay xaaladda degdeg ah, si loogu gurmado dadka ay dhibaatooyinka ay soo gaareen iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka ay fatahaadahu dalka ka geysteen,” sida uu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Wayes ayaa sheegay in guud ahaan dhimashada dadka ku dhintay fatahaadaha ay gaarayanaa 31 qof oo ah tirade rasmiga ah ee dowladda ay diiwaan galisay.
Qaar ka mid ah gobollada dalka waxaa ka da’ay Roobab wata fatahaado kuwaas oo saameen ku yeeshay nololsha dadka, gooboha saameenta ugu daran ugu waa ka mid ah gobolka Gado, waxaana laga soo warinayaa in deegaannada qaar ay go’doomeen.