Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay hawgal ka dhacay dowlad gobaleedka Galmudug ayna fuliyeen Ciidanka dowladda  iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay ku dileen saddex horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in hawgalkaan oo ka dhacay xalay Galbeedka Ceel-La Helay  lagu dilay saddex horjooge oo lagu kala magacaabi jiray Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Al-Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo dowladdu ku sheegtay in ay ku daba jirtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed soo saartay ku sheegtay, “Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka deegaanka ee gacanta ka gaystay fududaynta hawlgalka.”

Share.

Leave A Reply