Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo xooggaga deegaanka ee Macawisley oo is kaashanaya iyo kooxda Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne.
Dagaalka ayaa billowday markii ciidanka huwanta ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen xoogag Al-shabaab, waxaana labada dhinac halkaas ku dhexmaray dagaal culus oo hub kala duwan la issu adeegsaday.
Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayo Taliye Xasan Guuleed oo ka mid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayna wehliyaan ciidanka Gorgor ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka socday.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaare xooggan la gaarsiiyay Al-shabaab ayna ka saareen deegaano ay ka mid yihiin Beerxaano Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne.
Taliye Xasan Guuleed oo ka mid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku laayeen 31 ka tirsan Al-shabaab hub fara badana ka furteen, isagoo xusay iney weli ku daba jiraan firxadka Al-shabaab sida uu yiri.
Ma Jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada taliyaha oo sidoo kale sheegau in khasaaraha soo gaaray ciidamada Huwanta uu kooban yahay.