Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaan mamnuucday in laga ganacsado gargaarka bini’aadannimo ee dalka la keeno, kaddib warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo wada saareen Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Wasaaradaha Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Go’aanka ka soo baxay ha’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Wasaaradaha gargaarka maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in uu yahay mid looga hortagayo in la musuqmaasuqo gargaarka bini’aadannimo ee dalka la keeno.

“Hay’adaha u xilsaaran bixinta Gar-gaarka bini’aadanimo ee Dowladaa Soomalia heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed intuba waxa ay halkan ku cadaynayaan in gebi ahaanba ay mamnuuc tahay in lagasii ganacsado Gar-gaarka sare ku xusan haddii ay ahaa laheyd Cunto, Daawo, ama Qalabka kale ee Hooy ahaan loo isticmaali karo,” sida lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri, “gar-gaarku wuxuu waxtar mug leh oo leeyahay badbaadinta nafta dadka nugul, sida Barakacayaasha, Caruurta nafaqa daradu heyso, iyo Hooyooyinka. In kasta oo Dawladda Soomalia ay hore u cadeysay ineysan qeyb ka aheyn Gar- gaarka la sheegay in lalunsaday, hadana Dawladu waxey mar walba ku boorineysaa dhammaan Bahda Gar-gaarka Beni’aadenimada ka shaqysa, haddey Soomaali yihiin iyo haddii aysan aheynba in leexsiga Gar-gaarka Beni’aadanimadu uu yahay ficil an sinaba loogu dul qaada karin.”

Ugu dambeyn bayaanka ay si wada jirka ah u soo wada saareen Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Wasaaradaha Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciddi xiriir kula haata suuq geynta ama sii iibinta alaabaha gargaarka Beni’aadinimo lala tiigsa doonaa Hay’adaha ku shaqada leh sida Booliiska.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya kaddib saddex maalin ka hor markii Midowga Yurub uu hakiyay uu siin jiray Barnaamijka Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in la musuqmaasuqay gargaarkii loogu talagalay dadkii loogu talagalay.

Share.

Leave A Reply