Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah.

Goobta deeqdaan lagula kala wareegayey waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Qatar u Fadhiya Soomaaliya,Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, Guddoomiyaha hay’adda Mareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda.

Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah, waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii ay dowladda ka saartay Al-shabaab, sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda.

Gargaarkaan ay dowladda Qatar ku wareejisay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa ku soo aadaysa xilli ay socdaan gargaar la gaarsiinaya ciidama dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanada ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya waxa ay ka caawisaa arrimaha bini’aadannimada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, xiriirka labada dowladood ayaa sahlay in dib loo dhiso laba waddo oo Gobolka Banaadir ku xira Gobollada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha hoose.

Share.

Leave A Reply