Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Dowladda Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Soomaaliya
    Gudaha

    Dowladda Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 26, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Samantha Power oo ah maamulaha hay’adda USAID ee Mareykanka oo soo gaartay gudaha magaalada Muqdisho ayaa Talaadadii la kulantay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayadoo ku dhawaaqday taageero horleh.

    Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, horumarinta la-qabsiga cimilada iyo taageeridda dadaalka aan caadiga aheyn ee dowladda federaalka ay ugu jirto in la yareeyo saameynta xun ee Al-Shabaab ay ku leedahay Soomaaliya.

    Ugu horreyn Samantha Power ayaa ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay weeraradii ay dalka dhowaan fulisay kooxda Al-Shabaab, waxayna ballan-qaaday inay garab istaagto dadka Soomaaliyeed xilliga ay u baahan yihiin.

    Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Mareykanka bixinta saddex meelood laba meel oo ka mid ah dhammaan deeqda dhaqaalaha ku baxaya wax ka qabashada abaaraha, taasi oo dhan ku dhawaad 1.3 bilyan oo dollar, tan iyo bilowgii sanad maaliyadeedka 2022.

    Sidoo kale waxa ay isla garteen in dib loo abaabulo taageero caalami ah oo dheeri ah si loo maalgeliyo gurmadka abaaraha Soomaaliya oo wajahaysa suurta-galnimada xilli roobaadkii lixaad oo guuldarreysta.

    Kulankan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii loo heli lahaa habab kale oo casri ah oo waara oo wax looga qabto, isla-markaana loola qabsado isbeddelka cimiladu ku yeelanayaan sugnaanta cunnada ee Soomaaliya.

    Waxaa kale oo ay isku raaceen in la isku duwo dadaallada lagu dhiiri-gelinayo maalgashi ballaaran oo lagu sameeyo barnaamijyada la qabsiga cimillada iyo u adkaysiga Soomaaliya.

    Ugu dambeyn maamulaha hay’adda USAID Samantha Power ayaa ku dhowaaqday 5 milyan oo dollar oo USAID ay gacan uga gaysaneyso gaarsiinta adeegyada degdegga ah ee ay u baahan yihiin bulshooyinka u istaagay kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaataa dagaalka Al-Shabaab, isagoo ku duqeeya gobollada.

     

     

     

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDaawo:- Muqaal Maxkamadda ciidamada oo xukuntay koox TikTok-ley ah oo sameysay Prank yaab leh
    Next Article Xiisadda Xasan Sheekh iyo Saciid DENI oo kasii dartay – Maxaa maanta dhacay?

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Wareysi:- Abaarta Soomaaliya ‘oo ay ku dhinteen 43 kun qof’ sanadkii tegay

    March 20, 2023

    Dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee Caafimaadka iyo Daryeelka Caruurta – ee kala ah…

    Taliyaha cusub ee Booliska oo amar siiyay saraakiisha iyo Taliyeyaasha kale

    February 6, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.