Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Dowladda Kenya oo ka falcelisay digniinta Ingiriiska & Mareykanka ee la xiriirta in ‘AS’ weeraro ka geysan karto Dalkaas.
    Dibadda

    Dowladda Kenya oo ka falcelisay digniinta Ingiriiska & Mareykanka ee la xiriirta in ‘AS’ weeraro ka geysan karto Dalkaas.

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 11, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda kenya ayaa ka falcelisay digniin wadajir ah oo ay soosaareen Dowladaha Ingiriiska & Mareykanka oo la xiriirta in weeraro waxa loogu yeero ‘Argagixiso’ ay ka dhici karaan dalkaas isla markaana ay geysan karto ‘AS’.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya Korir Sing’oei ayaa Warbaahinta u sheegay in nasiib darro ay tahay digniintaas balse ka Dowlad ahaan ay xushmeynayaan suuragalnimada in weeraradaas ay maleegaan ‘AS’.

    Waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay qabatay howlo muhiim ah oo la xiriira dhinaca amniga iyo kahortagga ‘AS’ sidaas oo ay tahay aanay marnaba isku dhigan doonin weerarada halista ah ee ka imaan kara ‘AS’.

    “Waxaa guullo laga gaaray kahortagga weerarada kooxaha Argagixisada ah ee xiriirka la leh AlQaacida, Dabcan Ciidamadeena sirdoonka waxa ay ka shaqeynayaan sidii loo wiiqi lahaa awoodda ‘AS’, Shacabkeena waxa aan ku baraarujineynaa in ay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si ay u xoogeysato xasiloonida” Ayuu yiri Korir Sing’oei.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya ayaa dhanka kale sheegay in ‘AS’ khasaara xooggan uu ku gaaray dagaalka ka socda Gudaha Soomaaliya oo ay isu kaashadeen Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Shacabka.

    War kasoo baxay Dowladaha Ingiriiska & Mareykanka ayaa lagu sheegay in waxa ay ugu yeeraan ‘Kooxaha Argagixisada’ ay weerari karaan Hoteellada, Maqaaxiyada, Safaaradaha, Saldhigyada & meelo kala duwan digniin iyo bilaa digniin.

    ‘AS’ ayaa Kenya weerartay dhowr sano oo u dhaxeysay 2013 illaa 2020 waxaana weeraradaas ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti, Xukuumadda Nairobi oo Ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya waxa ay sheegtay in dejisay qorshe lagu xasilinayo ammanka Dalkaas.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDEG DEG Puntland oo ciidan farabadan u dirtay Laascaanood
    Next Article Maxay ahaayeen warqadaha Hay’adda FBI-da kasoo qaadday guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence?

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Mareykanka oo u digay dadka heysta labada baasaboor

    February 15, 2023

    Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa labada dhalasho heysta in ay si deg deg ah uga…

    Wararkii ugu dambeeyay Haramcad shan qof ku dhaawacay dalka Hindiya

    February 12, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.