RW dalka Canada, Justin Trudeau waxa uu magacaabay Ergaygiisa Koowaad ee Khaaska ee La-dagaalanka Islaam-Nacaybka, xilli ay dalkaasi dhawaanahan ka dhaceen Weeraro ka dhan ah Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Amira Elghawaby oo ah Saxafiyad iyo U-Ololeeye Xuquuqda Aadanaha  ayaa loo magacaabay Xilkaasi, iyadoo Dowladda Federalka ee dalka Canada kala talinayso dadaalka La-dagaalanka Islaam-Nacaybka (Islamophobia), Cunsuriyada Nidaamsan (systemic racism), Midabtakoorka iyo Dulqaad La’aanta Diimeed.

Amira Elghawaby oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Masar waxay Hooyadeeda Canada la tegtay iyadoo aad u yar oo 2 bilood jir ah.

Haatan waa Saxafiyad wax ku qorta Wargeyska The Toronto Star, waxay Shahaadada Digiriiga ee Saxaafada iyo Sharciga (Journalism and Law) la qaadatay Jaamacadda Carleton University sanadkii 2001-dii.

Amira Elghawaby waxay haatan degan tahay magaalladda Ottawa, waana hooyo xaas ah oo 3 carruur dhashay.

Dhanka kale,  RW Canada, Justin Trudeau waxa uu u hambalyeeyey magacaabista Amira Elghawaby, isagoo sheegay inay tahay Tallaabo Muhiim ah ee La-dagaalanka Islaam-Nacaybka iyo nooc kasta oo Nacaybka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Sanooyinka la soo dhaafay waxaa dalka Canada ka dhacay weeraro dhimasho badan dhaliyey oo lala beegsaday Jaalliyadda Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Bishii June ee sanadkii 2021-dii,  4 qof oo Qoys Muslimiin ah ayaa lagu dilay, markii uu Dareewal jiirsiiyey Gaari Xamuul Gobalka Ontario ee dalkaasi.

Sidoo kale,  6 qof oo Muslimiintl ah ayaa la dilay, 5 kalena waa la dhaawacay  kadib, weerar lagu qaaday Masjid ku yaalla magaalladda Quebec.

Qoraalo ay Amira Elghawaby soo dhigtay Barteeda Twitter-ka waxay ku muujisay Liiska magacyada dadka Muslimiinta ee lagu dilay weeraradii u dambeeyey ee ka dhacay Canada

Waxay kaloo qortay inaan marna la hilmaami doonin Marxuumiintaasi.