أبوظبي في 4 يناير /وام/      استقبل معالي محمد بن أحمد البواردي وزير الدولة لشؤون الدفاع اليوم ، معالي عبد القادر محمد نور وزير الدفاع الصومالي ، وذلك في مقر الوزارة في أبوظبي.         تم خلال اللقاء - الذي حضره سعادة مطر سالم علي الظاهري وكيل وزارة الدفاع - بحث علاقات التعاون والتنسي

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho ku jooga Dalka Isugutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Imaaraadka Carabta Cali Maxamed Al-Bawaaridi.

Kulanka labada Wasiir oo diiradda lagu saaray arrimaha Amniga gaarhaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxa ay kala saxiixdeen Wasiirrada iskaashi dhanka militeriga, amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, isaga oo xusay in uu ka tarjumaya madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha labada dal.

“Heshiiskan ayaa waxa uu kor u qaadayaa awoodda difaac ee qaranka soomaaliyeed, waxa uuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtiraayo Soomaaliya.” Sida uu ku yiri Wasiir Jaamac qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fecebooka.

Heshiiskaan ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan Gobollada Dalka ay ka socdaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, maalnimadii shalay ayee markii uu Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka, kaas oo diiradda lagu saaray taageeridda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.