Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay mar kale go’aamiyeen in Somalia ay weli leedahay Xuquuqda Cod-bixintooda, inkastoo aysan weli bixinin Qaaraankii QM ee lagu lahaa labadii sano ee la soo dhaafay
Waana sanadkii Labaad ee Somalia iyo dalalka Comoros, Sao Tome and Principle laga caafiyo Kharajka Miisaaniyada Sanadlaha ee QM
Dhinaca kale, 6 Waddan ayaa lumiyey Xuquuqdooda Cod-bixinta QM, kadib, markii ay bixin waayeen Qaaraankii laga rabay
Dalalka Lubnaan, South Sudan, Gabon, Venezuela, Dominican Republic iyo Equatorial Guinea ayaa wada lumiyey Xuquuqda Cod-bixinta ee 193-ka Waddan ee xubnaha ka ah Golaha Guud ee QM
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Lubnaan waxay sheegtay inay bixin doonaan 1.8 million oo Dollar oo ah Qaaraanka kaga soo aaday Miisaaniyada hawl-gelinta QM
Golaha Guud ee QM oo ay xubno ka yihiin 193 dal ayaa go’aamiya Go’aanka dalalka aan bixinin Kharajka Miisaaniyada lagu socodsiiyo hawlaha QM.