Dowlad noocee ah ayuu Farmaajo berri ku wareejinayaa Xasan Sheekh?

28

Isniinta berri Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xukunka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalkaan sii xukumi doona afarta sano ee soo socota.

Farmaajo wuxuu habeen ka hor ka guuray gurigiisii Villa Somalia, waxay kaamiraduhu qabteen gaadiidka ciidanka lagu qaado oo lagu raray alaabtii gurigiisa, wuxuuna degay guri ku agyaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, gurigaas waxaa horay u deganaa Axmed Qoor Qoor, balse hadda waa uu ka guuray, si Farmajo u dego.

Wixii Isniinta berri ka dambeeya waxaa dowladnimada Soomaaliya majaraha u qaba doona nin aqoon badan u leh oo horay u soo dhisay hey’ad kasta oo maanta ku howlgasha magaca dowladda Soomaaliya.

Dowlad noocee ah ayuu Farmaajo berri wareejinayaa?

Dad badan waxay qirayaan inuu jiro burbur iyo kala tag hor leh oo laga dhaxlay xukunkii soo idlaaday ee xukuumadii Farmaajo, waxaa sii fogaatay Somaliland, waxaa kala aamin baxay ciidamada qaranka oo kuwii horay u jiray, kuwo qaas ah laga dul dhisay.

Waxaa soo naaxday awoodii kooxda Al-Shabaab oo dadkaan iyo dalkaan dhibanaha u ah hadana ka taajirtay, markii la waayey dowlad ka difaacda, waxaa luntay qadiyadii soo dhicinta gobollada deriskeeda uga maqan Soomaaliya, kadib markii xukunka Farmaajo uu argagixiso u aqoonsaday jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed.

Farmaajo wuxuu afar dekadood u saxiixay dowladda Itoobiya oo dagaal gaamuray uu kala dhaxeeyo dadka Soomaaliyeed, welina uu ku maqan yahay xaqii Soomaaliyeed ee sababay dagaalladii labada dal burburiyey.

Farmaajo wuxuu lumiyey oo albaadaba ka soo xirtay dowladaha Jabuuti iyo Kenya oo waqti iyo waayo badan ku bixiyey isku raadinta dadkii Soomaaliyeed ee kala tegay burburkii gaaray dowladnimadooda, waxay sabab u noqdeen labadaas dowladood in dib loo soo dhiso qaranimada Soomaaliya, waxayna ku guuleysteen marti gelinta dhismaha dowladihii u dhaxeeyey xukuumadii hore ee Xasan Sheekh iyo dowladii burburtay ee Maxamed Siyaad Barre, intaas Itoobiya waxay hagal daacineysay dib u soo kabashada Soomaaliya, balse Farmaajo waa iska indha tiray taariikhdaas.

Hadda wuxuu xukunka ka tegayaa dalka oo qarka u saaran dagaalo sokeeye, wuxuu noqonayaa xildhibaan sharafeed uu qarka u fuulay inuu ku waayo xukun jaceylkii u soca waayey, wuxuuna ka mid noqonayaa baarlamaanka 11-aad, weligiisna wuxuu ahaanayaa xildhibaan aan ku fadhin kursi beeleed.

Xukunkii Farmaajo waxaa laga dhaxlayaa kooxo ku xooggan Social Media-ha oo la yiraahdo CBB. Dadka taageera Farmaajo waxay u badan yihiin dhalinta ku foogan aaladaha Social Media-ha, haba u badnaadaane TikTok-ga, hadda markaad u fiirsato afkaartooda waxay muujinayaan xaalad quus ah, waxay aad uga naxeen guul darradii Farmaajo ee doorashadii dalka, qaarkood waxay habaarayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna muujinayaan inay jeclaan lahaayeen in hadii Farmaajo xukunka ka tegay aysan dowladnimo ka dambeyn.

CBB waa magac uu bixiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa laga soo gaabiyey (cayayaanka baraha bulshada) waxaa la yiraa dhalinyaro badan oo aad Social Media-ha uga taageerta Madaxweyne Farmaajo.

Intooda badan dhalinyaradaan waxaa la sii jiray san-dareerto ay siyaasiyiinta kale ku caayaan, kuna buun-buuniyaan dacaayada ay soo maleegaan kooxdii xukunka joogi jirtay ee Farmaajo, waxay u sameysan yihiin guutooyin ku xariira groupyo WatsApp ah, balse hadda waa ka soo xirmay biilkii uu sii jiray Farmaajo, waxayna dhalintaasi wayahaysaa quus aan horay u soo marin wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh caqabadaha ugu horeeya ee qabsa doona waa dacaayadaha CBB, kooxahaan dhalinyarada ah ee aadka u qabatima inay dacaayado ku faafiyaan barahooda gaarka ah ee Social Media-aha, waxay badankood aaminsan yihiin in dowladnimada dalka aysan ka dambey doonin Farmaajihii xukunka looga guuleystay.

Rajadu waxay tahay in laga meyrto ku dhowaad lix sano oo siyaasad qarda-jeex ah uu Farmaajo ku maamulayey Soomaaliya, waxaa cajiib ah sida ninkan uu maskaxda uga degay inta badan caamada, caruurta, haweenka iyo dhalinyarada soo hana-qaaday sanadahaan ee wax kala fahantay wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, 2017-kii.

Aqoonyahanka, xog ogaalka, dhinacyada daneeya soo kabashada Soomaaliya iyo dhamaan indheer garadka Soomaalida, waxay qabaan in xukunkii Farmaajo uusan waxaba ku soo kordhin dowladnimada kobceysa ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here