Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay duqeymo xoogan oo diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo fariisin muhiim ah u ah kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay dhacday xalay fiidkii, iyadoo dhowr gantaal lagu garaacay fariisimo kala duwan oo Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha Bu’aale. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah gantaalladaasi lala beegsaday goobo ay shirar ku lahaayeen xubnaha Al-Shabaab.
Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo inta uu la’eg yahay khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi, iyadoo isgaarsiinta magaalada ay go’an tahay, taas oo keentay in si rasmi ah loo helin khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Mar jiraan illaa hadda war ka soo baxay dowlad gobaleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, balse duqeyntaan ayaa ku soo aadeysa xilli guud ahaan gobollada dalka ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Al-Shabaab.