Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Dilal bareer ah oo Muqdisho ka dhacay iyo booliska oo soo bandhigay hal askari
    Gudaha

    Dilal bareer ah oo Muqdisho ka dhacay iyo booliska oo soo bandhigay hal askari

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 10, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Cabdicasiis ayaa galabta soo qabtay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la sheegay inuu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka u soo damaashaad tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

    Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay, kadibna askariga ayaa xabad ku dhuftay, ciidanka saldhigga degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaa xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka, si luugu fuliyo xukunkiisa, sidoo kale ciidanka booliska saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay Ehelkiisi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

    Dhinaca kale, Nin ku xamaali jiray gaari Dameer oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka dowladda wuxuu ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

    Askariga dilka ka geystay degmada Hodan waxaa la sheegay inuu xiraa tuutaha militeriga, waxaana dilkaas sababay muran dhanka wadada ah oo dhex-maray askariga iyo marxuumka.

    Aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay inuu deganyahay Afgooye, balse uu Muqdisho deg deg u yimid maanta markii loo sheegay in la dilay wiilkiisii Mustaf.

    Salaadii Jimcaha markaan ka soo baxay ayaa la ii soo sheegay in la dilay wiilkeygii, Afgooye ayaan joogay oo halkaas ayaan ka soo cararay, hadda wax aan sameeyo ma garanaayo wiilkeygii waxaa dishay gacan ka xaqdaran, wuxuu ahaa nin iska xamaasha oo laba carruur ah ay u joogto, marka dowladda ayaan cadaalad ka sugeynaa,” ayuu yiri Aabe Cabdiraxmaan.

    Inta la ogyahay maanta kaliya laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa ugu yaraan laba qof oo shacab ah u geystay dilal bareer ah, hal askarioo wiil yar ku dilay aagga Liido ayaa la qabtay, halka askarigii kale uu goobta ka baxsaday.

    Dilalkaan ay ciidanku geysanayaan waxay ku soo aadayaan iyadoo maalmo ka hor ay saraakiisha maxkamadda ciidamada iyo taliska booliska ay ku goodiyeen in askarigii dil geysta uusan baxsa doonin oo deg deg loo qisaasi doono, balse dilalkii ma joogsan.

    Hoos ka eeg sawirka askariga loo soo qabtay dilkii ka dhacay Liido

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleAkhriso:- Shan mucjiso oo lagu arkay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya
    Next Article Daawo:- Muqaal Isu-duwaha Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha Hirshabelle ee gobolka Hiiraan

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Xamza oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday

    January 27, 2023

    Maalmo badan ayuu taagna loolanka xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya, waa mid kamid ah waxyaabaha uu…

    Xamza oo bilaabay qorshe lagu soo daabacayo lacag cusub + Sawirro

    March 5, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.