HomePolitcalHirshabbelleDil argagax leh oo ka dhacay Magaalada Beledweyne kaas oo loogu geeystay...

Dil argagax leh oo ka dhacay Magaalada Beledweyne kaas oo loogu geeystay darawal baabuur

Dil argagax leh oo ka dhacay Magaalada Beledweyne kaas oo loogu geeystay darawal baabuur.

Amniga Magaalada Beledweyne ayaa faraha ka baxay ilaa 5 ruux ayaa lagu dilay 4 Maalin Gudahood wana dayaacad amni daro ee jirto.

Beledweyne wararkii ugu dambeeyay ee Degmada Beledweyne naga soo gaaraya ayaa shagaya in xalay lagu dilay nin masaafur ahaa oo u dhashay sida aan xogta ku helnay beesha Raaxaweyn kuna xayirna deegaanka Hiiraan Bile ee duleedka magaalada Beledweyne.

Ninka xalay la dilay ayaa ahaa darawal waday gaari nuuca caasiga loo yaqano oo siday dad rikaab ah kuwaa hakisay fatahaada Beledweyne ku dhufatay kana jartay wadooyin ay ku safri lahaayeen dadka waxaa sida xogta ku helnay xalay xiligii fiidkii dilay rag gaara ilaa 3 nin oo ku libisan dariiska CXD raga ayaa inta ay dilin ka hor weydiyay furaha gaariga waxana dhaxmaray muran kaas oo markii dambe sababay dilka.

Raga ayaa rabay sida aan xogta ku helnay in ay dhacaan gaariga kaas oo milkiyadiisa uu lahaa ninka waday kana soo baxay Magalada Garawe kuna sii jeeday magalada Baydhabo ee KGS.

Malimahii danabe waxaa ka dhacayay Dilal joogta ah iyo dhac kuwaa oo ka dhacayay deegaanka Ceeljaalle oo ah halka ay ku barakaceen dadkii ka cararay fatahaada Beledweyne waxaa in amniga sugaan ku Guuleeystay CXD iyo saraakiisha ku sugan deegaanada shacabku ku barakaceen walina ma jirto talaabo cad oo laga qaaday deegaanka.

Beledweyne waxaa ay u baahantahay ciidan Amniga sugan oo shacabka u shaqeeyo.

Must Read

spot_img