Dhul-gariir xooggan ayaa ku dhuftay Dalka Morooko ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika waxaana ka dhashay dhimashada ugu yaraan 300 oo ruux halka ay dhaawacmeen in ka badan 1,000 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka & waaxda gargaarka degdega ah.
Dhimashada ayaa inta la shaaciyay ka badan karta maadaama dad badan weli ay ku hoos jiraan dhismaha dumay uuna socdo gargaar xooggan oo lagu soo badbaadinayo sida uu Warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan Kooxaha ku howlan badbaadinta dadkaas.
Dhul-Gariirka ayaa xooggiisa ka dhacay Gobolka aan dadku ku badnayn ee Buuraha Atlas ku yaalla, magaalooyin yar yar iyo deegaanno badan oo ka fog ayay adag tahay in gurmadka uu si degdeg ah halkaas u gaaro waana tan badisay khasaaraha.
Muuqaallo lasoo dhigay Baraha Bulshada waxaa ka muuqday Dhismo dumay, Gawaari burburtay & isbaddel weyn oo ka jiro halka uu dhul-gariirkaas ku dhuftay oo markii hore ku jirtay xaalad dib u hagaajin ah si dadku ay ugu dhiirradaan in ay deegaansadaan.
Isbitaalada magaalada Marrakesh ayaa lagu soo waramayaa in lagu dabiibayo qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay, intooda badan waxaa laga daweynayaa jab kasoo gaaray guryaha ku dumay iyo kuwo u baahday in ay neefta macmalka ah helaan maadaama ay caburan yihiin.
La soco wixii kasoo kordha.