Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Thomas Partey ayaa maqnaan doona inta ka dhiman sanadka 2023 ka dib markii qaliin lagu sameeyay.

30-sano jirkaan ayaa saftay kaliya afar kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu haatan garoomada ka maqnaan doonaa ugu yaraan labo bilood isagoo ka soo kabanaya qaliin looga sameeyay bawdada.

Arsenal ayaan haatan awoodin in ay go’aamiso wakhtiga uu Partey diyaar u noqon doono in uu garoomada ku soo laabto laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ka maqnaan doona jadwalka mashquulka badan ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Kulankii ugu dambeeyay ee Partey ee Gunners waxa uu ahaa bedel soo daahay kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Manchester City. Kadib laba kulan ayuu u ciyaaray Ghana intii lagu jiray fasaxii caalamiga bishii October.

Partey ayaa kursiga keydka looga tagay ciyaartii ay Arsenal barbaraha 2-2 la gashay Chelsea 21kii October laakiin waxa uu dhaawac ka soo gaaray tababarka ka hor kulanka Sevilla ee Champions League seddex maalmood ka dib.

Partey ayaa haatan seegi doona ugu yaraan sagaal kulan oo Premier League ah inta u dhaxaysa hadda ilaa dhamaadka December, kuwaas oo ay ku jiraan kulamo adag oo ay la ciyaari doonaan Liverpool, Brighton iyo Aston Villa.

Share.

Leave A Reply