Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday magaalada Garoowe, kaddib markii halkaas soo dhaween loogu sameenayey Youtuber lagu magacaabo Kabtan Ayuub, kaas oo Baraha Bulshada ugu olaleeya Siyaasadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaadka yahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dagaalka ka dhacay barxdda Garoowe oo ah faras magaalaha Caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ayaa dhexmaray ciidanka madaxtooyada oo ilaalo u ahaa Youtuber-ka iyo ciidan taabacsan mid ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha maamulkaas.

Inta la xaqiijiyey israsaaseenta waxaa ku dhintay hal qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan goobta uu ka dhacay dagaalka.

Laamaha amniga Garoowe iyo dowlad gobaleedka Puntland weli kama aysan hadlin dhacdadaan ay dad badan dhiillo ka keeneen, taas oo ay ku soo aadayso xilli ay soo dhawdahay doorashada dowlad gobaleedka Puntland.

Magaalada Garoowe oo ah caasimadda maamulka Puntland, billooyin ka hor waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa taabacsan mucaaradka; kuwaas oo ka gadoodsanaa damaca Deni ee ku aadan wax ka badalka Dastuurka, kaas oo salka ku haya hirgalinta doorasho qof iyo cod.

Share.

Leave A Reply