Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Dhimashada dhul-gariirka Turkey iyo Syria oo dhaaftay 5,000 – Wararkii u dambeeyey
    Wararka

    Dhimashada dhul-gariirka Turkey iyo Syria oo dhaaftay 5,000 – Wararkii u dambeeyey

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 7, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxaha gurmadka ee Turkey iyo Syria, oo ku shaqeynaya cimilo aad u qabow, ayaa weli wada inay dadka ka raadiyaan burburka dhismayaasha, ayada oo khasaaraha dhimasho ee dhul-gariirkii shalay ku dhuftay uu dhaafay 5,000 oo qof.

    Hay’adaha maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in kumanaan dhisme, oo ku yaalla magaalooyinka gobol aad u baaxad weyn, ay dhulka la sinmeen.

    Burburka ugu weyn ayaa ka dhacay xarunta dhul-gariirka oo ah inta u dhaxeysa gobolka Kahramanmaras iyo Gaziantep, oo ah magaalo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.

    Turkey ayaa tiradii ugu dambeysay ee dhimashada dalkaas ku sheegtay 3,419 — taasi khasaaraha dhimasho ee illaa hadda la xaqiijiyey ee Turkey iyo Syria ka dhigeysa 5,021.

    Waxaa jirta cabsi ku aadan in khasaaraha uu intaas aad uga badan karo, ayada oo saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ay qiyaasayaan in laga yaabo in 20,000 oo qof ay dhinteen.

    Kooxaha caafimaadka ayaa la xarbinaya inay daweeyaan qiyaastii 20,000 oo qof oo dhaawac ah.

    Dhul-gariirkii koowaad oo aad u xoog badnaa ayaa laga dareemay illaa Greenland, waxaana xigay kuwo yar yar oo uu ku jiro mid cabirkiisu aha 7.5, kaasi oo ku dhuftay xilli ay kooxaha gurmadka ku jireen baadigoobka dadka ku waxyeeloobay dhul-gariirkii koowaad.

    Saameynta ayaa aheyd mid aad u baaxad weyn oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid caalamka oo idil, ayada oo tobaneeyo dal, kasoo billow Ukraine illaa New Zealand ay wacad ku mareen inay caawimaad ka gaystaan.

    Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ruushka ayaa dhammaantood diray tacsi oo yaboohay caawimaad.

    Madaxweyne Joe Biden ayaa dhiggiisa Turkey Recep Tayyip Erdogan u ballan-qaaday in Mareykanka uu soo diri doono “wax kasta” oo gargaar ah oo loo baahan yahay si looga soo kabto dhul-gariirka burburka xooggan dhaliyey.

    Warbaahinta Shiinaha ayaa weriysay Talaadadii in Beijing ay soo direysay koox gurmad, shaqaale caafimaad iyo agab kale.

    Inta badan aagga uu dhul-gariirka kaga dhuftay waqooyiga Syria ayaa waxaa markii horeba burburiyey sanado dagaal ah iyo duqeymo ay gaysteen ciidamada Syria iyo Ruushka, kuwaas oo burburiyey guryo, isbitaallo iyo xarumo cafimaad.

    Wasaaradda Caafimaadka Syria ayaa sheegtay in burbur xooggan uu ka jiro gobollo ay ka mid yihiin Aleppo, Latakia, Hama iyo Tartus.

    Turkey waa mid ka mid ah aagga caalamka ee inta badan ay ka dhacaan dhul-gariirada.

    Dhul-gariirkii ugu dambeeyey ee cabirkiisu ahaa 7.8 ee dalka ku dhuftay 1939-kii ayaa 33,000 oo qof ku dilay gobolka bari ee Erzincan.

    Sidoo kale gobolka Duzce ayaa 1999-kii waxaa ku dhuftay dhul-gariir cabirkiisu ahaa 7.4, kaasi oo dilay in ka badan 17,000 oo qof.

    AFP, VOA Radio Halgan

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda
    Next Article Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay dhismaha Waddada Xoosh + Sawirro

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Shirka ka furmayo Nairobi maxaa looga shiri doona masa noqon doona Isbaheysi cusub oo ay sameeystan siyaasiinta Reer Hiiraan?

    January 28, 2023

    Shirka ka furmayo Nairobi maxaa looga shiri doona masa noqon doona Isbaheysi cusub oo ay…

    Wasiirkii u horeeyey ee ka socda Yurub oo tagay Turkiga Dhul-gariirkii kadib

    February 12, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.