Marka la joogo saaxaadadda Siyaasadda Soomaaliya, badanaa Siyaasiyiinta kolka ay la hadlayaan Bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa ay ku dhawaaqaan in dhallinyarada Soomaaliyeed ay Bulshada ka yihiin 75%, haddane ma jiro tirokoob rasmi ah oo laga sameeyay Soomaaliya dhowr iyo sodonkii sano ee la soo dhaafay. Waxaase muuqata in Soomaaliya tahay dal da’yar oo dadkiisu badanaa ka yaryahay da’da 35 sano.

Sidaa oo ay tahay, dhallinyaradu tiradooda kuma fursadaha jira, halka qiyaas ahaan sanad waliba ay Jaamacadaha dalka ka baxaan ku dhawaad ama in ka badan 25,000 oo Ardey oo da’doodu ka yartahay 30 sano.

Ardayda marka ay dhammeeyaan Jaamacadaha, waxa ay isku dayaan in ay aadaan suuqa shaqada ee dalka, iyaga oo isleh Cilmigii aad Jaamacadda ku soo baratayn maanta ayaad ku shaqeesan kartaan, suuquse filashadoodii kama jawaabo, maadaama barashadoodu xoogga saareysay cilmi aan baraatiko lahayn, isla markaana ay yartahay inta farsamo soo barataahi.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in Sanadka 2023-ka suuqa shaqada uusan la mid ahayn sida uu ahaa 10 sanno ka hor, sida ay sheegeen aqoon yahaannada ku taqasustay culuumta ganacsiga iyo maamulka, sidoo kale waxa ay sheegeen qofba qofka uu ka xirfad badan yahay in uu ka fursado wanaagsan yahay, waxaana badanaa loo tiiriyaa tiknolojiyadda oo fursado badan abuureysa, walow ay fursado badanna qaadatay.

Dalalka hormaray sida Talyaaniga, Japan iyo Germany waxa ay xoog, maskax iyo hanti isugu geeyaan sidii ay u soo saari lahaayeen jiil ku heersarreeya farsamada gacanta, kaas oo u horseeda qofka iyo bulshaba isku tiirsanaan iyo horumar, waana sababta dalalkaas ay manta ugu horreeyaan dhanka xirfadaha.

Cabdullaahi Axmed Nuur Jimcaale oo ah madaxa maaliyadda Shirkadda Hormuud Telecom Soomaaliya oo marti ku ahaa Barnaamij lagu magacaabo Buundo oo ka baxay muuqaal baahiyaha Astaan, laguna faafiyay barta Youtube-ka April 22, 2023-ka ayuu kaga hadlay shaqo yarida heysata dhallinyarada ku sugan Muqdisho.

Cabdalla oo ka hadlay dhibaatada ugu weyn ee haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu yiri, “Dhallinyarada waxaa ku furan degdeg, Jaamacaddii ayuu soo dhammeeyay, waxa uu rabaa shaqada ugu fiican in uu horay ka helo, saas uma shaqeeyo suuqa. Waa in qofka uu naftiisa waqti galiyaa, waa in uu si bilaash ah uu ku shaqeeyaa, shaqooyin uusan wax ku qaadaneenin waa in uu ka shaqeeyaa xilliga uu dhiganayo School-ka ama Jaamacadda.”

Sidoo kale Cabdalla waxa uu sheegay dhallinyarada ay heyso xirfad la’aan. Isaga oo arintaas ka hadlayay waxa uu yiri, “ka Hormuud ahaan waxaa nagu dhacdaa mararka qaar in aan shaqaalo muddo kooban nala shaqeeya aan ka dalbanno dalka dibaddiisa, kaddib markii aan waynay shaqaalo leh xirfadda shaqadaas.”

Badanaa dhallinyarada ma jecla in ay ku shaqeeyaan xirfadaha farsamadxa gacanta, waxa ay ka doorbidaan in ay ka shaqeeyaan xafiisyo; oo qaar kood uu mushaarkooda yaryahay, halka dhallinyarada qaar kolka ay Jaamacadda dhameeyeen ay barteen xirfado kala duwan kuwaas oo ay dalka uga shaqeystaan.

Meegaal Axmed oo ah Wiil dhallinyaro oo ku dhashay Hargeysa, wax ku bartay magaaladii uu ku barbaaray, kuna diyaariyay heerka koowaad ee Jaamacadda. Nasiib uma yeelan in uu ku shaqeeyo cilmigii uu ka bartay Jaamacadda oo ahaa Beeraha se taas kama aysan cuuryaamin in uu noqdo qof shaqeysta.

Meegaal waxa uu bartay xirfad ay naadir tahay in ay ku shaqeystaan dhallinyarada ka soo baxday Jaamacadaha, isaga oo bartay xirfadda Baristanimada, waxa uu ka hawgalaa Beydan Coffee oo ku taal Magaalada Muqdisho.

“Waxaa igu dhaliyay in aan Barista noqdo, waxa aan raadiyay meelo aan uga shaqeyn karo wixii aan soo bartay, markii aan horay u heli waayay ayna igu dheeraadeen waxa aan go’aansaday in aan xirfad barto. Xirfaddii aan bartay waxa ay noqotay Baristanimo,” sida uu yiri Meegaal Axmed oo aan ku booqday xaruntiisa shaqo.

Meegaal oo aan waydiiyay in ay jiraan caqabado uu kala kulmo bulshada ayuu yiri, “marka hore waxa aan arki jiray dad la yaaban anniga oo Jaamacad ka soo baxay xirfadda aan ku shaqeenayo, laakiin markii dambe waxa aan ogaaday; inbadan oo ka mid ah aanan ahayn sida ay dadkaas ii arkayaan, anniga gudahayga ay ka bilaabmaysay, oo anniga isku arkayay qof shaqo hoose ka shaqeenaya, laakiin markii dambe waan la qabsaday shaqada.”

Sidoo kale Meegaal ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Hadda waxa aan u arkaa in ay tahay xirfad muhiim in qofka uu barto, maadaama Coffee-ga uu isticmaalkiisa badan yahay.”

Meegaal waxa uu dhallinyarada Soomaaliyeed kula taliyay in ay fadhiga ka kacaan, xirfad ay bartaan shaqeystaan, “Waxa aan kula talinayaa dhallinyarada in ay bartaan xirfado kala duwan, oo aysan fadhiisan.”

Geesta kale waxaa jirta dhallinyaro badan oo hamigoodu yahay in ay bartaan xirfad, haddane ay ka reebtay dhaqaalo yari iyo barashada xirfadaha qaar oo qaali ah, taas oo loo sababeenayo in dalka ay ku yartahay dadka yaqaan.

Ruun Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada ku nool Muqdisho ayaa noo sheegtay in ay hamigeedu yahay barashada xirfada baaristaha balse dhaqaalo ahaan aysan awoodin qarashka ku baxaya barashada xirfadaas.

Mar ay ka hadleysay caqabadaha ay la kulantay waxa ay tiri, “Xirfadda baaristinimada waan jeclahay barashadeeda, waxa aan raadiyey goob lagu barto, markii aan helay waxa ay isheegeen $400 oo dollar in ay dadka ku baraan anniguna ma awoodi

Ruun ayaa nala wadaagtay in xirfadini tahay mid fursad wanaagsan ay ku jirto marka dhanka shaqa helida ama ku shaqeeynta, “dadka ku shaqeysta lacag fiican ayey qataan, balse dhibka waxa uu ka taagan yahay barashadeedii oo qaali ah, kuna adag tahay qof dhallinyaro ah in uu halmar helo lacag intaas dhan oo halbil lagu baranayo taasina curyaamin karto hamiga qofka,” sida ay tiri Rihaan Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15 May, taas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda ayuu ka shageey in dowladdiisa ay qaadan doonta shaqaalo cusub, oo gaaraya 10,000 oo shaqaale rayid ah, kuwaas oo la qaadan doona inta uusan dhammaan sanadka 2023-ka.

“Dowladda mashruuc ayey waddaa oo shaqo abuurka dhallinyarada la yiraahdo, sanadka inta uusan dhammaan ayey bilaabanayaan. Dowladda 10 kun oo shaqo in ay abuurto ayaa u dagsan, Wasaaradda shaqada iyo dhallinyarada ayey la kaashaneysaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la yimaadaan xirfad, isaga oo sheegay mushkiladda ay hadda wajahayaan in ay tahay xirfad yari heyso dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Mushkiladda na haystaa waxa ay tahay dhallinyaradeena inbadan oo ka mid ah ma shaqaaleesmi karaan, haddii shaqadii la abuuro xitaa ma shaqaaleesmi karaan; xirafadda aan baranno, oo xirfadda midda dhibka badan waa midda dadka dhisaya aan baranno,” ayuu sii yiri Madaxweynaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobadii sano la soo dhaafay ma qaadan shaqaalo rayid ah, iyada oo shaqaalo la qaatay ugu dambeesay xil hayntii koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee qabsoomay June 19, 2023-ka ayaa lagu ansixiyay, “Qaraarka arrimaha la xiriira shaqo qorista, isku baddalka iyo dib u habeynta shaqaalaha rayidka iyo kuwa ku meel gaarka ah.”

Sharcigaan ayaa qeexaya in dhammaan Hay’adaha dowladda aysan qaadan karin shaqaalo ku meel gaar ah oo cusub, taas oo lagu sababeeyay in ay jiraan shaqaalo badan oo u shaqeeya dowladda kuwaas oo aan laga faa’iideysan sidii la rabay iyo culays dhaqaale oo dowladda soo wajahay ee mushaar bixinta shaqaalaha dowladda.

Xeerkaan uu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre June 20, 2023-ka, kaas oo warbaahinta lala wadaagin ayaa dhigaya in muddo 5 bilood ah gudaheed dib u habeyn lagu sameeyo dhammaan shaqaalaha ku meel gaarka ah ee ka hawgala Hay’adaha dowladda.

Sannado ka hor xirfadleyda ka xamaalata Xamar ayaa dhibaatooyin kala kulmi jirtay bulshada Caasimadda, taas oo qofka lagu liido shaqada gacanta ee ku shaqeysta, wallow wacyiga Bulshada uu isbadalay, ayna ogaadeen qaar ka mid ah in xirfadda ay muhiim tahay xilligaan.

Dalka malahan shirkado maalgashi oo dhallinyarada ay ka shaqeeyaan taas oo keenta in Magaalada Muqdisho ay ku soo bataan ganacsiyo yaryar oo aan lahayn dhaqaale badan, oo sii keentay in dhallinta qaar ay dalka ka tahriibaan, halka kuwa qaarna ay xirfad yari hayso aysan u suura galin in ay ka faa’iideystaan fursado badan oo ka bannaan suuqa shaqo ee Muqdisho.

Talada ugu badan ee haldoorka dalka ay dhallinta u soo jeedinayaan ayaa ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay xirfad bartaan, kaliya aysan ku ekaan waxbarashada Jaamacadda, qaar kood ayaa sheegay in sannadaha soo socda qofka aan lagu qiimeen doonin shahaado Jaamacadeed balse lagu qiimeen doono inta xirfadood uu yaqaan.

Share.

Leave A Reply