Allah u naxariistee waxaa dalka Turkiga ku geeriyootay Yaasmiin Mayow Maxamed oo ka tirsaneyd gabdhaha wariyeyaasha ee muddada dheer ka shaqeynayay magaalada Muqdisho.
Yaasmiin Mayow ayaa ka soo shaqeysay idaacado ay ka mid ahaayeen idaacadda Horn Afrik, iyo idaacadda Xurmo.
Wariye Salmaan Jamaal Saciid ayaa geerida Yaasmiin Mayow uga waramay Maxamed Colaad Xassan.