Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan bilowday inay bixiso kaarka aqoonsiga Soomaalinimo, iyada oo muhiimaddiisa ku sheegtay faa’iidada uu u leeyahay amniga dalka. Balse waxaa ka dhashay doodo iska soo horjeeda kuwaas oo salka ku haya cida xaqqa u leh inay qaadato kaarka.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in qaadashada kaarkaan oo kaliya ay caddeyn karto muwaadnimada qofka Soomaaliga ah.
Laakiin waxaa jira siyaasiyiin fikir kaas mid ka duwan qaba. Wasiirka arimaha gudaha ee dawlad goboleedka Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa qaba in ay loo baahan in bulshadu ay ka doodaan sida cidda xaqqa u yeelanaysa kaarkaan aqoonsiga.
Juxa ayaa sheegay in qaadashada kaarkaan ay ku lifaaqan tahay dooda ah yaa muwaadin Soomaali ah loo aqoon sanayaa?
Juxa oo horay wasiir uga soo noqday xukuumadihii u dambeeyay ee Soomaaliya ayaa sheegay in marar kala duwan ay xukuumadihii uu ka tirsanaa iyo baarlamaankuba isku dayeen in ay sharci ku saabsan cidda muwaadin loo aqoonsan karo ka doodaan, balse dib loo dhigay marar kala duwan.
“Dawladdii hore way riixaysay [Sharcigaan], baarlamaankuna runtii wuu riixayay oo barafisoor Jawaari ayaa dhawr jeer i waydiiyay oo i yiri ‘Juxoow sharciga miiska keen’…aniga markaas waan ka cudur daartay oo waxaan ku iri ‘war niyohow doodaan waxay u baahan tahay in Soomaalida la galiyo”, ayuu yiri Juxa oo la hadlay BBC da.
Wuxuu sheegay in markii dambe ay dood ka dhalatay hay’adaha dawladda dhexdooda kadib markii khilaaf ka dhashay jinsiyadda Cabdikariin Qalbidhagax oo loo dhiibay dawladda Itoobiya.
Hadaba yaa muwaadin Soomaali noqonaya?
Soomaaliya ma jiro sharci cusub oo qaas u ah muwaadinimada oo la ansixiyay, kaas oo kala qeexaya cidda dawladda Soomaaliya u aqoonsaneyso inuu yahay Soomaali iyo in kale.
Balse waxaa jira sharci soo baxay sanadkii 1962 dii, kaas oo lagu magacaabo lambar 28 oo ay dajisay jamhuuriyadii Soomaaliya ka dib xornimadii ay ka qaadatay gumaystaha.
Sharcigaas oo ah kii ugu dambeeyay ee loo sameeyay kala cadeynta cidda qaadan karta jinsiyadda Soomaaliga, ayaa qeexaya inuu farqi u dhaxeeyo noqoshada muwaadin Soomaaliyeed iyo noqoshada qof isirkiisu yahay Soomaali.
Qofkasta oo isirkiisa, dhaqankiisa iyo luuqadiisu tahay Soomaali ayuu sharcigaan u aqoonsan yahay inuu kamid yahay umadda Soomaaliyeed.
Maxamed Cismaan Jawaari oo ah gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qaba in farqi u dhaxeeyo labada kalmadood ee Umadda Soomaaliyeed iyo Shicbiga Soomaaliyeed oo ku xusan sharcigaan.
“Shacbi waa magac koox, mufradkiisu waa muwaadin. Labada kalmadoodba waa carabi”, ayuu yiri Jawaari. “Muwaadin sida kalmaduba kuu sheegayso waxaa waaye qofka meesha deggan, shuruudiisu waa inuu dalka dagan yahay”.
Dhanka kale sharcigaan ayaa faahfaahinaya sida qof aan Soomaaliya u dhalan uu u qaadan karo jinsiyadda Soomaaliya.
Qofkasta oo aan isirkiisu ahayn Soomaali ayuu sharcigaan ka dalbayaa inuu deganaado gudaha dalka muddo 7 sano ah, sidoo kalana uu noqdo canshuur bixiye aan dalka danbi ka galin.
Shuruudahaas kadib ayaa loo baahan yahay inuu maro nidaam dhigaya inuu u tago garsooraha degmada uu ku nool yahay, kuna dhaarto inuu u hugaansami doono dastuurka iyo shuruucda dalka. Kadibna arji ayay tahay qofkaas inuu qorto kaas oo uu u saxiixi doono garsooruhu, iyada oo codsi loo qarayo madaxweynaha qaranka. Codsigaas inta uusan saxiixin madaxweynuhu wuxuu sii mari doonaa dhawr heer oo kala ah wasaaradda arimaha gudaha, guddiga madaxa banaan ee bixinta jinsiyadaha iyo golaha wasiiradda ee xukuumadda.
Sidoo kale sharcigaan ayaa dhigaya in qofkii isirkiisu yahay Soomaali balse aan haysan jinsiyadda Soomaaliya loo baahan yahay inuu dalka daganaado muddo labo sano ah, balse shuruudaha inta kale ayuu kala siman yahay qofka aan isirkiisu ahayn Soomaaliga.
Dhanka kale sharcigaan wuxuu sheegayaa in qof kasta oo isirka waalidkiis yahay Soomaali ee aan haysan jinsiyadda Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu qaato jinsiyadda Soomaaliyeed.
Sharcigaan ayaan ogolayn qaadashada labada jinsiyadood ee ay ogol yihiin wadamo badan oo caalamka ah iyo sidoo kale dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.
Ish wararka BBC SOMALI