Xasan Sheekh oo fadhi ku meelgaar ah ka samaystay Dhuusamareeb waxa uu isku diyaariyey inuu booqdo Galcad si uu ula hadlo ciidamada, kadib walaacii ka dhashay weerarkii Cawsweyne.
Laba ka mid ah saraakiisha sarsare ee dawladda oo kala ah Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo Guddoomiyaha Maxkamadda milatariga Gaashanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku qanciyey madaxweynaha inuu safarkaasi ka baaqdo maadaama xaaladdu ay is-bedbedalaysay, halisna ay uga iman kartay madaxweynaha, sidaasi waxaa VOA u sheegay saraakiil kala duwan oo dawladda ka tirsan.
Saraakiishu waxay intaas ku dareen in labada sarkaal ay soo jeediyeen inay iyagu u safraan Galcad, soo jeedintaasi oo uu madaxweynuhu aqbalay.
Labada saraal, laba suxufi oo ka tirsan warbaahinta dawladda iyo ciidan ilaalo ah ayaa diyaarad helikobtar ah oo ay leedahay Qaramad Midoobay kasoo raacay magaalada Dhuusamareeb qiyaas ahaan 2:20pm ee maalintaas.
Hase yeeshee isla markii ay diyaaraddu soo kacday waxaa saraakiisha Soomaalidu ogaadeen in ciidamada dawladda ay ka baxeen magaalada Galcad.
Saraakiil kala duwan oo ay ka mid yihiin shaqaale ka tirsan madaxtooyada ayaa telefoonno ku wacay saraakiisha iyo rakaabka kale ee saaran diyaaradda, sidoo kalena u diray farriimo qoraal ah si ay ugu wargeliyana bixitaanka ciidanka.
“Hadagina” ayay oranaysay mid ka mid ah fariimaha qoraalka
“Soonoqda. Magaalada waa laga baxay,” ayaa sidoo kale ku qornayd farriinta.
Hase yeeshee sarakiishu waxay farriimahaas heleen oo keliya markii ay diyaaraddu gaartay hawada Galcad isla markaana dhulka usoo dhowaatay, anteenada telefoonkuna ay soo laabatay.
Markiiba waxaa loo gudbiyey farriinta duuliyayaasha, kuwaasi oo kor u qaaday diyaaradda, kadibna usoo safray Muqdishu oo ay si nabad ah kusoo gaareen gelinkii dambe ee maalintaas. Al-Shabaab waxay sheegteen fiidnimadii malaintaas 6:55 daqiiqo inay dib u qasadeen Galcad, taaso oo ku beegnayd qiyaas ahaan ku dhowaad saddex saacadood iyo bar kadib markii diyaaraddu ka baxday hawada Galcad.
Madaweynaha Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay dawladdu xirtay saraakiil furimaha hore kasoo baxay. Inkastoo madaxweynuhu uusan sheegin tirada saraakiisha la xiray haddana waxa uu intaasi ku daray in sharciga lala tiigsan doono saraakiishaas.
Warbixintan waxaa inoo haysa Falastiin Axmed Iimaan.