Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Shirjiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho kaas uu kaga hadlay mowqifka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wasiirka oo sheegay in DFS ay la socotay shirarka nabadeed ee ka socday Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa carabka ku dhuftay in Dowladda ay ka xuntahay dagaalka lagu soo qaaday Magaalada, waxa uuna ugu baaqay in la joojiyay Dagaalka oo maalinimadii shalay ka qarxay Caasimadda Gobolka Sool.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa warbaahinta la wadaagay warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda ee ku aadan colaadda ka soo cusboonaatay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool:
- Dowladda Soomaaliya waxa ay aaminsantahay in dhibaatada ka soo cusboonaatay Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed oo u dhaxeysa dad Soomaaliyeed oo walaalo ah, deegaan iyo dhaqan wadaag ah, dhibka u dhaxeeya aan lagu xalin karin adeegsiga xoog iyo dagaal toonna.
- Dowladda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa xalka Xaaladda Laascaanood ay Saldhig u tahay tixgalinta rabitaanka dadka, waddo kasta oo kalana ay uga sii dareyso.
- Dowladda Soomaaliya waxa ay garowsantahay in colaadaha iyo dagaalaha dhexdooda ah horay loo soo tijaabshay kuwaas oo aan laga dhaxlin wax natiijo ah, sidaas awgeed waxa ay dowladda ku baaqeysaa in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, dadka mas’uuliyiinta ee labada dhinac ah in ay ka noqdaan hormuud ka dajinta iyo wada xaajoodka waxa la’isku hayo.
- DFS waxa ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa xaaladda ka taagan Laascaanood.
- Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee JFS, waxayna dawladdu ayada oo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod.
- Dowladda Soomaaliya waxa ay dadka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ugu baaqeysaa in gurmad iyo gargaar la gaarsiiyo dadka shacabka ah ee ka soo barakacay Laascaanood.
- Dowladda Soomaaliya waxa ay Culimada iyo Odayaasha dhaqanka ugu baaqeysaa in ay kaalintooda ka qeyb qaataan kaalintooda ka qaataan daminta colaadda ka soo cusboonaatay Laascaanood iyo in xaaladda jirta lagu dhammeeyo isqancin iyo wada hadallo.
Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa maalnimadii shalay ka qarxay Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo kuwa deegaanka, iyada oo ay Magaalada ku sugan yihiin gaaradada dhaqanka, kuwaas oo todobaadyadii la soo dhaafay shir uga socday.