Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 99 muwaaddiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo ku jiray xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.
Muwaaddiniintan oo hab tahriib ah ku galay Liibiya ayaa waxaa soo celintooda iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Hay’adda socdaalka Adduunka IOM ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay Ergeyga gaarka ah ee xafiiska Madaxweynaha u qaabbilsan soo galootiga iyo xaquuqda carruurta iyo Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Raage Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in muwaaddiniintan oo ka koobnaa 88 rag ah iyo 11 haween ah ay 47 ka mid ah ka dejiyeen magaalada Hargeysa, halka 52 kalena la keenay Muqdisho.
Agaasime Raage ayaa howshan ugu mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Hay’adda socdaalka Adduunka IOM iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, wuxuna dhallin yarada Soomaaliyeed faray in ay dalkooda iimaansadaan kuwa doonaya tahriibkana ay ku tusaale qaataan muwaaddiniintan maanta lasoo celiyay.
Qaar ka mid ah dhallinyarada maanta dalka dib loogu soo celshay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin dib ugu soo noqoshada dalkooda Hooyo; oo muddo sannado ah ay ka maqnaayeen.