Shir u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedka HirShabelle iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimada ah ee Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.
Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey.
Dowladda dhexe waxaa shirka ku metalayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow, waxaana dhanka QM ka socday Wakiilada FAO, IOM, UN-Habitat, UNIDO iyo UNEP.
Sidoo kale waxaa shirkan oo looga hadlay arrimaha hormurinta ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada maamulka HirShabelle oo wehlinayay madaxweynahooda.
Kulanka dhex-maray saddexda dhinac ayaa waxa ay uga wada-hadleen kor u qaadista mashaariicda horumarinta iyo ka doodista mashruuca biyo xireenka Jowhar ee (JOSP).
Mashruucan wuxuu ka qeyb qaadan doonaa xal u helista maareynta fatahaadaha wabiga Shabelle iyo biyo la’aanta xilliyada abaaraha kaas oo wax weyn ka tari doona kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso wax soo saarka beeraha.
HirShabelle ayaa baahi weyn u qabta mashruucan, maadaama ay leedahay dhul beereed caan ku ah wax soo saarka, haatana aan si wanaagsan looga faa’iideysan.
Si kastaba, kulanka dowladda dhexe, QM iyo HirShabelle ku dhex maray Jowhar ayaa kusoo aaday, xilli cabsi ay ka taagan tahay maamulkaasi, taas oo ku aadan fahaahadda wabiga Shabelle iyo xaaladda la saadaalinayo ee El-nino oo ay horay uga digtay dowladdu.