Deni, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud iyo Kor u qaadista wax soo saarka Dowladda Puntland.

61

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud iyo Kor u qaadista wax soo saarka Dowladda Puntland.

Shirka ayaa looga hadlaya sidii loo dardargelin lahaa dakhliga guud ee Puntland iyo Kor u qaadista wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha Puntland, waxaana ka qeybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaraddaha dakhliga qaabilsan, Bangiga Dowladda iyo Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay dib-u-habeyn ku sameysay hannaanka maaliyadda, waxaana lagu guuleystay in Cashuurtii shacabka dib loogu celiyay oo lagu fuliyo dhismaha Wadooyinka Gobollada, Xarumaha Danta Guud iyo mashaariicda horumarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here