Degmada Galdogob ee gobolka Mudug waxaa laga dhisayaa Garoon diyaaradeed,

59

Degmada Galdogob ee gobolka Mudug waxaa laga dhisayaa Garoon diyaaradeed, waxaana heer gabo gabo ah maraya wajigii koowaad oo lagu dhisayo dhabaha diyaaraduhu ku ordaan.

Garoonka ayaa la sheegay inuu shaqo bilaabi doono marka uu dhamaado wajigii koowaad, waxaana xigi doona wajiga labaad oo looga dhigayo mid casri ah.

Garoonka diyaaradaha ee Galdogob ayaa laga dhisayaa meel 8 KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Galdogob, gaar ahaan inta u dhaxeysa waddada xiriirisa Galdogob iyo Nugaal Gibin.

Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu bilaabay dhismaha Garoonkaasi, hadda uu gacanta ku hayo.

Sikastaba ha ahaatee, Galdogob waxaa ka socda horumar balaaran, waxaana inta badan mashaariicda laga fuliyay ay ahaayeen kuwo ku yimid isku tashiga bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here