Kooxo hubeysan ayaa Caawa Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dishay Gudoomiyihii xisbiga Ucid ee Gobolka Sool Maxamed Aflahaar.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada laas-caanood.
Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.