LATALIYAHA MADAXWEYNAHA XIRIIRKA-DOWLAD GOBOLEYDYADA
MAXAMED XASSAN IBRAAHIN (QOONO)
AYAA KA HADLAY SHIRKA BELAHA XAWAADLE.

Waa arrin bogaadin mudan shirweynaha beel-weynta Xawaadle ee loogu magac daray Shahiid Cilmi Hagar Guure kaas oo lagu wado in uu dhowaan ka qabsoomo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, haseyeeshee, ka hor shirkan waxaa aad muhiim u ah in laga fikiro dadka kasoo qeybgalaya oo aan qaarkood mudnayn in loo yeelo meeqaam sare, maadaama ay iyagu yihiin kuwii horseedka u ahaa dhibaatooyinka siyaasadeed ee beesha haysta, kuwaas oo la doonayo in shirka dhexdiisa xal looga gaaro.

Ma jirto caqabad ka weyn saami qeybsiga Hirshabeelle iyo xuquuqda beesha Xawaadle kaga maqan maamulkaas, sidaa darteed, waxaa muhiim ah in Yuusuf Dabageed aan loo ogolaan in uu kasoo qeybgalo shirweynahaas looga hadlayo arimaha ay ugu horrreeyaan dhibaatooyinkii uu Dabageed beesha u geystay, maadaama uu awood qeybisigii Hirshabeelle kasoo qaatay cad quureed iyo kursi aan Xawaadle mudnayn

Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Xawaadle waxaa la gudboon in ay aad uga fiirsadaan waxyaabaha fashilin kara shirka, oo ay ugu horreyso kasoo qeybgalka Dabageed iyo in mudnayn gaar ah la siiyo shaqsigii siyaasadda Xawaadle ceelka ku riday, iyadoo la qiimeynayo qodobadan soo socda:

1. Dabageed, waa shaqsigii magac dilay sharafkii iyo meeqaamkii Xawaadle, kadib markii uu ku hor-dhaqaaqay beesha, kuna qancay in Cali Guudlaawe ku xigeen u noqdo

2. Waxa uu kasoo bixi waayay ballamahii uu horay u qaaday oo ay ugu horreyso keenistii caasimadda, kadib markii uu Guudlaawe geeyay magaalada Beledweyne.

3. Waxa uu noqday qof aan damiir lahayn, oo shilimaad yar siista sharafkii beesha Xawaadle, waxaana tusaale idiin kugu filan hab-dhaqankii bahalnimada ahaa ee uu lasoo baxay xilligii doorashada, kaas oo ahaa in uu baarto jeebkii siyaasiyiinta doorashada u yimid

Qodobadaas iyo kuwa kasii badan ayuu ku kacay Dabageed, sidaas darteed, looma baahna in Dabageed lagu abaalmariyo daahfurka shir looga hadlayo masiirka iyo aayaha beesha Xawaadle

LATALIYAHA MADAXWEYNAHA XIRIIRKA-DOWLAD GOBOLEYDYADA
MAXAMED XASSAN IBRAAHIN (QOONO)