Weerar lagu qaaday Safaarad iyo Khasaaro ka dhashay

 

 

 

 

 

Nin Hubeysan ayaa waxa uu Waaberigii hore ee saakayto oo Jimco ah weerar ku qaaday Dhismaha Safaaradda dalka Azerbaijan ku leedahay Caasimadda dalka Iran ee Tehran.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi lagu dilay Madixii Amaanka ee Safaarada, lana dhaawacay 2 ka mid ah Ilaalada Amaanka ee Safaaradda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoraalka waxaa lagu sheegay in dableyga weerarka geystay oo ku hubeysnaa Qoriga Kalashnikov (AK 47) uu burburiyey Barta Ilaaladda ee Safaaradda, kadibna uu geystay Toogashada uu 1 qof ku dilay, 2 kalena uu ku dhaawacay oo xaalladooda tahay mid fiican.

 

 

 

Warbaahinta Dowladda Azerbaijan waxay sheegtay in la qabtay Eedeysanihii weerarka geystay, waxaana socda Baaritaan ku aadan ujeedada Weerarkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dowladda Turkiga waxay cambaaraysay weerarka lagu qaaday Safaarada Azerbaijan ku leedahay Caasimadda dalka Iran ee Tehran

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mar sii horeysay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye, Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, isagoo ugu Tacsideeyey dilkaloo geystay Sarkaalka

 

 

 

 

 

 

 

laaladda Safaaradooda ku taalla Caasimadda dalka Iran ee Tehran.

 

 

 

Wasiirka waxa uu u rajeeyey Ilaalada la dhaawacay Bogsasho degdeg ah.