Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa Naxariistiisa Janno ha ugu deeqo Gaashaanle Xasan Cismaan Tuure, oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, saraakiishii iyo ciidankii geesiyaasha ahaa ee maanta dhamaantood ku shahiiday weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaariijtu ku qaadday deegaanka Galcad.

Gaashaanle Xasan wuxuu ahaa halyey argagixisada casharro lama ilaawaan ah siiyay.

Qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay samir iyo iimaan Allaha ka siiyo — isagana Janatul Fardowsa Allaha ka waraabiyo.