Mas’uuliyiinta Somaliland ee ku sugan Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood ayaa shardi ku xiray shirka Isimada SSC uga furmaya magaalada Laascaanood.
War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Taliska Gooja-cadde ayaa qabsoomidda shirka Isimada ee Laascaanood shardi looga dhigay in aanu liddi’ ku ahayn jiriraanka Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale digniin lagu siiyay cid kasta oo ka tirsan dowlad kale in ay soo fara-geliso xiisadda Laascaanood.
Shardiga mas’uuliyiinta Somaliland ku xireen qabsoomidda Shirka Laascaanood ayaa u muuqda mid ay isku muujinayaan balse aan wax saamayn ah lahayn.