Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    DEG DEG: Somaliland oo ku dhawaaqday xabad joojin
    Gudaha

    DEG DEG: Somaliland oo ku dhawaaqday xabad joojin

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 10, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin ooo xiriir ah.

    Go’aankan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga Somaliland.

    Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

    “Mowqifka dowladda ay ka gaadhay waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad bilaa shuruud ah ku dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

    Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan aad uga xun yihiin mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

    “Dhibaatada hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yar tahay. Maanta halka ay taagan tahay haddii aan ku af-qabano guul ayaa joogna. Wixii loo dhaafa waa khasaare ka badan kii hore, kaas oo dhankasta taabanaya.

    Waxa intaas kusii daray “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

    Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Isimida ku sugan Laascaanood, oo ayagu hore u sheegay in wax wada-hadal ah la gali doonin Somaliland illaa ay ciidamadeedu ka baxaan dhulkooda.

    Go’aankan ay caawa ku dhawaaqday Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii mucaaridka Somaliland uu ka dalbaday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

    Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

    Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

    Go’aanka Somaliland ayaa sidoo kale imanaya, xili uu si weyn isku soo tarayeen baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, kaasi oo ku qotomay in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

    Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, ayada oo afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, waxaana la rumeysan yahay in uu khasaaruhu intaas kasii badan yahay, maadama aan weli tirakoob rasmi ah la sameyn.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDaawo:- Muqaal Kulan lagu Taageerayo guddoomiyaha cusub ee Ururka kubadda Cagta Hirshabelle Cabdicasiis Axmed. Lagu qabtay Beledweyne
    Next Article Aqoon yahan-kii uggu horeyay oo Hirshabelle wasiir ka noqon rabba.

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    DEG DEG wiil dhalinyaro ah koox Hubeysan aya ku dilay Baladweyne

    March 17, 2023

    Kooxo hubeyasn ayaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay kudileen Wiil dhalinyaro ah…

    DAAWO:- Wararkii ugu dambeeyay dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood

    February 21, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.