Qorshahii ugu weynaa ee AS oo la fashiliyay iyo Beerxaano oo gacanta dowladda soo gashay.

 

 

 

Waxaa goordhow si nabdoon gacanta ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa dowladda si buuxda usoo gashay deegaanta Beer-xaano oo maalmahii ugu dambeeyay AS ku sugnaayeen.

 

 

 

Howlgalka lagu qabtay Beer-xaano waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay), waxaana wehliyay Taliye Xasan Faarax Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad iyo saraakiil kale.

 

 

 

Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa kaalin weyn ku leh howlgalka cusub ee ka billoowday deegaanno dhaca Koonfurta Beledweyne isla markaana ku teedsan Wabiga Shabeelle.

 

 

 

Sidoo kale ciidan ka tirsan Gorgor oo Beledweyne ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa iyana ku biiray howlgalkaasi.

 

 

 

Taliyaha qeybta 27-aad ee CXD Generaal Tawane Axmed Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go’aansaday in dib boorka looga jafo howlgalka dhanka Jiinka Wabiga ee Beledweyne Koonfurta kaga beegan.

 

 

 

Waxaa xusid mudan in howlgalkan cusub uu dhina kale dhabar jabiyay qorshihii AS ku doonayeen in Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Galgaduud uga go’doonsan uga soo gudbiyaan dhanka Maxaas isla markaana Wabiga dhanka Qorraxsin uga tallaabiyaan.

 

 

 

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in Howlgalka uu sii socon doono illa gacanta dowladda kasoo gasho Booco iyo deegaanno ku teedsan.