Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa.
Goobjoogaal ayaa Caasimada Online u sheegeen in qofka is qarxiyay uu doonayay inuu isku qarxiyo ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay ciidamada ammaanka oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadii ku sugnaa goobta ay kala carareen qaraxa, taas oo keentay inay ka badbaaday weerarkaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana haatan goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.
Kuliyadda Jaale Siyaad ayaa waxaa horay uga dhacay weerar kan lamid ah oo askar badan, kadib markii uu isku dhex qarxiyay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana weerarkaasi ka dhashay tuhun xoogan oo loo soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.