.

Tiro Hoobiyayaal ayaa maleeshiyada AS ku garaaceen xaafado kamid ah degmada Maxaas, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray qof shacab ah oo la sheegay in aay Dumar tahay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ATMIS ayaa jawaab adag ka baxshay weerarkaasi huubiyayaasha aha, jawaabta aay baxsheen ciidanka is garabsanaya ayaa lagu waramayaa in uu khasaare kasoo gaaray AS sida illo lagu kalsoonaan karo ku waramayaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo galabta helay xogta weerarka AS ayaa difaacyo adag ka sameestay deegaanno dhaca duleedka Bari ee Maxaas, taasi oo keentay in weerarkii AS qorsheeyeen uu sidaa ku fashilmo AS-na uu khasaare xooggan soo gaaro.

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad aad u badan oo AS ka tirsan ayaa go’doon ku ah Ceel-buur iyo Wabxo kuwaas oo isaga soo cararay Xarar-dheere, waxaana AS saacadihii ugu dambeeyay xoogga soo saareen degmada Maxaas iyo deegaanno hoostaga si aay u helaan meel wal oo aay ku baxsadaan.

Dhinaca kale boqolaal ka tirsan ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo ku maqnaa deegaanno iyo dagmooyinka kala ah Aadan-Yabaal Moqokori Tardo iyo kuwa kale ayaa lagu wadaa in gaaraan degmada Maxaas iyo deegaanno hoostaga.