Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa war kasoo saartay xiddigeedii u xidhnaa kufsiga iyo tacaddiyada ee Mason Greenwood oo dhamaan lagu waayey waxyaabihii lagu eedaynayay, isla markaana maanta ay maxkamaddu sheegtay in meesha laga saaray dembiyadii uu ku eedaysnaa.
Mason Greenwood oo 21 jir ah ayaa la xidhay sannadkii hore iyadoo gabadh ay saaxiibbo ahaayeen ay baraha bulshada ku baahisay muuqaallo ay dhaawacyo qabto, taas oo sidoo kalena sheegtay inuu kufsanayay laacibkani.
Maxkamadda ayaa maanta sheegtay, in meesha laga saaray oo la laalay dhamaan eedaymihii loo haystay, waxaana hadda arrintaas ka hadashay Manchester United oo sheegtay in ay ka fiirsanayso tallaabooyinka xiga ay qaadayso mar haddii uu dembi la’aan noqday laacibkan reer England.
“Manchester United waxa szoo gaadhay go’aanka maxkamadda ee ah in dhaman eedaymihii loo haystay Mason Greenwood la laalay. Kooxdu waxay hadda bilaabi doontaa nidaamkeeda u gaarka ah ka hor inta aanay qaadin tallaabooyinka xiga.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay Mnchester United soo saartay.
Mason Greenwood ayuu magaciisu ku jiraa liiska ciyaartoyda Manchester United ee ku qoran website-ka, maadaama aanay jirin wax dembi ah oo lagu caddeeyey.
Greenwood ayaa la xidhay bishii January ee sannadkii hore, waxaase mar dambe laga soo saaray goobtii uu ku xidhnaa iyada oo xabsi-guri lagu geliyey gurigiisa oo ay boolisku kula socdeen dhaqdhaqaaqiisa