HomeCayarahaDEG-DEG: Manchester United Oo Samaysay Saxeexii Koowaad Ee Xagaagan

DEG-DEG: Manchester United Oo Samaysay Saxeexii Koowaad Ee Xagaagan

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa isku diyaarinaysa shaacinta heshiiska saxeexii koowaad ee ay sameeyaan suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaana ay gacanta ku dhigeen xiddigii uu tababare Erik ten Hag u doortay xoojinta safkeeda ee uu ku dagaal-gelayay xilli ciyaareedka dambe.

Manchester United ayaa sii wadi doonta dibu-dhiska safkeeda, waxaanay la saxeexan doontaa xiddigo ay iskaga xoojinayaan dhawr meelood oo uu saluug ka jiro kaddib markii uu Erik ten Hag kusoo hagay laba final oo ay midkood ku guuleysteen midna sugayaan natiijadiisa, waana Carbao Cup oo ay qaadeen iyo FA Cup oo ay Man City ku kala bixi doonaan horraanta bisha dambe.

26 jirkan ayay Manchester United wada-hadallo kula jireen labadii usbuuc ee ugu dambeeyey, waxaana uu ogolaaday in uu tago Manchester United halka kooxdiisa Napoli ay ku qasban tahay in ay aqbasho dalabka Mnchester United maadaama heshiiska ay kula jiraan laacibkan uu ku jiro qodob xaddidaya lacagta lagu burburin karayo.

Kim Min-Jae oo sannad ka hor ay Napoli £16 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda reer Turkey ee Fenerbahce ayaa ay u arkaan in ay faa’iido weyn oo dhaqaale ka samaynayaan haddii ay Manchester United bixiso lacagta ku xidhan bixitaankiisa.

Napoli ayaa kaliya doonaysa in Manchester United ay hal-mar wada bixiso lacagta oo aanay wajiyo kala duwann noqon, halka Kim Min-Jae uu mushahar uga qaadan doono Manchester United lacag gaadhaysa £7.8 milyan oo Gini sannadkii

Must Read

spot_img