DEG-DEG: Man City Oo Chelsea Ka Diiday Dalab Rasmi Ah Oo Ay Blues Ka Gudbisay Raheem Sterling.

97

Kooxd Man City ayaa cheleea ka diiday dalab Rasmi ah oo dhan 21.4 milyan euro oo ay Blues ku doonaysay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara City ee Raheem Sterling.

Mustaqbalka xiddiga 27 jirka ah ee Man City ayuu shaki weyn ku jiraa isaga oo galaya sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Man City.

Kooxda chelsea ayaa dar-dar galisay dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga iyaga oo doonaya in ay ku badalaan Romelu Lukaku.

Sida laga soo xigtayWararka Chelsea ayaa Sterling u aragta bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa kala iibsiga si ay ugu xoojiso weerarka.

Kooxda chelsea ayaa Man City saacadihii la soo dhaafay miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 21.4 milyan euro oo ku kacaya 25 milyan oo euro marka lagu daro gunooyinka.

Laakiin kooxda Man City ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyada oo u sheegtay in ay bixiso 50 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here