Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii rugta ganacsiga iyo warshadaha maamulka Hirshabeelle Marwo Xaliimo Cabdullaahi Fiidow.

 

 

 

Wareegtada uu soo saaray madaxweynaha Hirshabelle ayuu ku sheegay in muhiim la noqotay in xilka ka qaado Marwo Xaliimo Cabdullaahi, waxa uuna booskeeda u magacaabay Mudane Cabdullaahi Cabdiwaaxid Maxamed (Taxab).