DEG-DEG: Liverpool Oo Ugu Dambayn Ku Dhawaaqday Saxiixa Darwin Nunez, Lambarka Uu Xidhan Doono Way Shaacisay.

98

Liverpool ayaa ugu dambayn shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Darwin Nunez kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.

Reds ayaa Nunez ka dhigtay sidoo kale saxiixeeda ugu qaalisan taariikhda iyada oo ka soo bixisay dhan 100 milyan oo euro kalana soo wareegtay kooxda Benfica.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa shaacisay in ay heshiis 6 sano ah ka saxiixatay xiddiga Nunez kaas oo kooxda La joogi doona ilaa xagaaga 2028.

Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku soo biiro liverpool, waa koox weyn”ayuu Nunez yidhi.

“Farxad ayay ii tahay in aan joogo halkan kana qayb ahaado taariikhda kooxdan weyn”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in uu Darwin Nunez kooxda u xidhan doono Lambarka No.27 oo ahaa midkii uu ku bilaabay xirfadiisa ciyaareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here